Madaxweyne Xasan Sheekh oo furey Madasha Wadatashiga Qaran [Sawirro]

0

Muqdisho, Juun 16, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan; adkaynta midnimada Qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

 

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ay ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wadahadal iyo wadatashi, taas oo waagii hore laga la’aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay inay ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee aynu hiigsaneyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ay Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee mas’uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ay si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Villa Somalia.

Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara.

May be an image of 2 people and daisMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎JAMIUURITADOA SOOMAALIYA GOOOSHA GARAN WADATASHIO ЛAMHUURrTAPOA AAMИИRTTAAOA SUOMAALIYA SOOMAALIYA GOGOSHA WADATASHIGA GARAN OOOO3HA SHIGA JAMHUURIYADDA JAMHUNRIYADDA SOOMAALITA SOOMAALIYA ققمد ФOФOBHA WADATAS WADATASHIOA GARAN GOGOSHA WADATAS GARAN HИBИyAOBA AHu GOGOSHA WADATASNIG EHIGA GARAN JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA 16h June, 2025 TADOA KLIYA GOGOSHA WADATASHIGA QARAN GODOSHA 0 Decale Hotel, Mugdisho Soomaaliya GARAN ADDA UAO 10OMAALIYA OOOO3HA GOOOSHA WADATASIIGA GARAN GARAN JAMHUUNIYADOA JAMHUURIYADOA SOOMAALIYA S0OMAALIYA OOBOBHA GOGOSHA WADATASHIGA QARAN G0Gor WADAT GABA GARAN IHUUEIYADDA AOA PEHA SOOMAALIYA GOGOSHE GOGOSHA WADATASHI GARAN GARAN JAMHUURIYADDA 000 ROOMAALIYA ФOФOBHA WAD/ASHIGA SHIGA ARA ARA OIA TABHA‎"‎‎May be an image of 12 people and daisMay be an image of 10 people, table, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "GOGOSHA WADATASHIGA QARAN JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOGOSH/ WADATAS QARAN GOGOSHA WADATASHIGA QARAN NHUURIYADDA RAALKA AALIYA GOGOSHA WADATASHIGA QARAN GOGOSHA WADATASHIGA PARAN RIYADDA AAALIYA GOGC WADAS QARAN UU"May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 10 people and dais

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here